Ciidamo Afka u duuban oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho

Waxaa xalay Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Alfka Group Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay ka sameeyeen howlgalo dad lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay Xaafadaha ku dhow Isgoyska degmadaas,isla markaana waxaa ay kusoo qab qabteen dad u badan dhalinyaro.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalka Ciidanka ay kusoo qabteen dhalinayaro badan,kuwaasi oo la isugu geeyay meel barxan,qaarkoodna looga shakiyay falal amni daro,sidoo kalena Ciidanka horey ay u wateen si baaritaano loogu sameeyo.

Habeen kahor ayaa waxaa Isgoyska Degmada Boondheere gaar ahaan dhinaca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga iyo Siyaasada ee degmadaas Cali Hiloowle oo ku magac dheer Cali dheere.

Allaha u naxariistee Cali dheere ayaa ku Guddoomiye ku xigeen u ahaa Guddoomiyihii horey ee Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere istakiin,isla markaana waxaa xusid mudan in isla Nawaaxiga habeeno kahor lagu dilay Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Degmada Boondheere waxaa ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403