WAR CUSUB:-Colaad aad u xun oo soo kala dhex gashay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakadda Allmareeg Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Khilaaf aad u xun uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah shakhsiga dhigay gogoshii ay ku wada hadlayeen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dawlad Goboleedyada dalka ayaa aad isugu hawlay sidii uu umira dhali lahaa shirka Dawladda Federalka ah iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne deni ayaa la sheegay in uu caqabad weyn kala kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe),kaasi oo ahaa shakhsiga sababay in uu burburo shirka Garoowe.

Axmed Madoobe ayaa dhawr jeer diiday talooyin uu usoo jeediyay Siciid Deni,hayeeshee dhammaan wuu ku gacan sayray taloiyinkaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Allmareeg u xaqiijiyay in Madaxweyne Siciid Deni uu aad u doonayay in Shirkii Garoowe lagu qabtay ee fashilka kusoo dhamaaday,isla markaana u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah,,hayeeshee waxaa arintaa caqabad weyn ku noqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 

 

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403